Date of death15.Apr.2024
LocationSomalia

Hassan Abukar Mayow

Xasan Abuukar Mayow

Source

Somali Human Rights Association (SOHRA) View →

Hassan Abukar Mayow was born in 1998, in the village of Mubarak, in the Awdheegle district of Lower Shebelle region. He was a hardworking young man, who owned and operated a phone repair shop. He was well-respected in his community and known for his expertise in repairing electronic devices. He was well-liked for his kind and honest demeanor, and held up as a role model to other young people in the village.

On 15 April at around 10am, Somali military forces launched a surprise attack on the village of Mubarak, which was under the control of al-Shabaab militants at the time. After several hours of intense fighting, the Somali military successfully overcame the militants and took control of the village.

After the fighting had ended the soldiers passed through Mubarak, and began to loot and vandalise local businesses. In an attempt to protect his livelihood Hassan rushed to his shop, calling out to the soldiers, ‘Don’t loot my shop!’. He was shot in the head by a soldier armed with an AK-47 and died at the scene.

Hassan was 26 years old when he died. He leaves behind a wife and young son.

Xasan Abuukar Mayow waxa uu dhashay sanadkii 1998-kii, waxaana uu ku dhashay deegaanka Mubaarak oo ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo dadaal badan, kaas oo lahaan jiray oo ka shaqayn jiray dukaan telefoonnada lagu hagaajiyo. Waxa uu ahaa mid aad looga ixtiraamo bulshadiisa, laguna yaqaanay khibradda uu u leeyahay hagaajinta qalabka elegtarooniga ah. Waxa aad loogu jeclaa hab-dhaqankiisa naxariista leh iyo daacadnimada, waxaanu tusaale u ahaa dhalinyarada kale ee tuulada.

15-kii Abriil abaare 10-kii subaxnimo, ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa weerar kedis ah ku qaaday tuulada Mubaarak oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyada al-Shabaab. Kadib dagaal saacado badan qaatay ayaa ciidamada Milatariga Soomaaliya waxa ay ku guuleesteen in ay ka adkaadaan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, waxaana ay la wareegeen gacan ku heynta tuuladaasi.

Markii uu dagaalka dhamaaday ayaa ciidamada waxay soo mareen Suuqa Mubaarak, waxayna bilaabeen inay dhac iyo burbur u geystaan ​​goobaha ganacsiga ee deegaanka. Isaga oo isku dayaya in uu naftiisa ilaaliyo, ayuu Xasan u soo gaarey dukaankiisii, isaga oo u kor iguana Dhawaaqey askartii, ‘Dukaankayga ha bililiqaysanina!’. Askariga oo ku hubeysnaa AK-47 ayaa madaxa ka toogtay, waxaana uu Hassan ku dhintay goobta.

Xasan wuxuu ahaa 26 jir markuu geeriyooday. Wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo wiil yar.